Swaa

10
Feb

Waxaan nahay urur u dooda haweenka Soomaaliyeed oo u dooda cadaalad darada iyo sinnaan la’aanta haweenka iyo gabdhaha.

Waxaan Codsi udiraynaa dhammaan bahda cadaaladda, gaar ahaan bahda garsoorka Soomaaliyeed, falkii foosha xumaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gobalada Soomaaliya.

Waxaan cambaaranaynaa falkii foosha xumaa ee dhacay bishii hore 27-kii Janaayo 2024, nasiib darro falkani wuxuu gef ku noqday dhaqanka iyo jiritaanka bulshada.

Waxaan ka codsanaynaa hay’adaha amniga, gaar ahaan ciidamada booliska iyo kuwa NISA inay ku dadaalaan sidii ay cadaaladda loogu heli lahaa falkan gurracan ee sharci darrada ah ee uu ku kacay dambiilaha, sidoo kalena ay ka hortagaan falalka guracan ee argagax gelin kara nabada iyo xasiloonida bulshada.

Garsoorka dalka waxaan ka sugeynaa in dhibbanaha iyo qoyskeeda in la helaan cadaalad deg deg ah oo waafaqsan shareecada islaamka iyo shuruucda dalka si qoyskii ay ka geeriyootay marxuumad Luul C/casiis ay u helaan cadaalad dhibtii ay martay ee nafteeda galaaftay

Haddaba, waxaan u soo jeedinaynaa madaxda dalka iyo hay’adaha maxaliga ah in ay bulshada ku baraarujiyaan si looga hortago falalkan ka baxsan bini’aadantinimada ee wax u dhimaya nabadgelyada iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed.

Wabillaahi Tawfiiq

Ururka u dooda haweenka Soomaaliyeed.

Leave a Reply